Xasan Sheekh: Sax ma’ahan in Taleefan iPhone ah & mid Niicle ah isku si loo canshuuro.

0
173

Xasan Sheekh: Sax ma’ahan in Taleefan iPhone ah & mid Niicle ah isku si loo canshuuro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaaddii Jimcaha ka dib khudbad ka jeediyay Masjidka ku dhexyaala Madaxtooyada ayaa markii ugu horreysay ka hadlay canshuur kordhin ay dowladda ku sameysay qaar ka mid ah badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo ee laga soo dajiyo Dekadda Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan suura gal ahayn badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka in ay isku canshuur noqdaan, isaga oo arintaas tusaaleenaya waxa uu yiri, “Taleefan iPhone ah oo kun iyo jajaba doolar jooga iyo Niiclaha in ay isku mid noqdaan sax ma tahay? maanta waaye waxa aan ka hadlayno.”

Sidoo kale Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in aysan marnaba suuragal ahayn in ay sinnaadaan qof naftiisa keenay iyo mid diiday hantida in laga qaado. “Qof in uu ka gilgishto shilin saa’id ah bixi, Ninna uu naftiisa keeno oo yiraahda; waa kanaa waa dhimanaa, oo dhinto, dhaawacma, cuuryaama, agoon ka tago, Hooyo gablantay ka tago, macquul ma’ahan, waxyaabaha uu caqliga diidayo ayey ka mid tahay laakiin la’iskama yeelayo,” waa sida uu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lacagta laga qaado ganacsatada, ayna waajib ku tahay dowladda in ay ilaaliso amaanadeeda, isaga oo ku sii yiri, “dalkaan ugu yaraan dowladdaan waa in ay la baxdaa qarashaadkeeda, hormarin ayaan u baahannahay ee hanala kaalmeeyo waa wax la dhageysan karo, laakiin hanala biilo wax la dhageysan karo maahan.”

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo qaar ka mid ganacantsada Soomaaliyeed ee badeecadaha kala soo degta Degadda Muqdisho ay diideen in ay bixiyaan cashuurta ay dowladda ku soo kordhisay, iyada oo markii dambe sababtay in Wasaaradda Maaliyadda ay dhinto cashuurtaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax kabadal ku sameysay qaar ka mid ah badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka, iyada oo ka soo saartay xeer loogu magacdara; Xeer Nidaamiyaha waxkabadalka Jadwalka dhaqangalka ah ee Tacriifada iyo Canshuurta gadidda ee badeecadaha dalka loo soo dhoofiyo qaar kood, kaas oo soo baxay April 23, 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here