TikTok Oo Qaadday Tillaabo Farxad Galineysa Dadka Isticmaala Iyo Nuuca Talaabadaasi

0
136

TikTok Oo Qaadday Tillaabo Farxad Galineysa Dadka Isticmaala Iyo Nuuca Talaabadaasi

Shirkadda TikTok ayaa qaaday tillaabooyin amni si ay meesha uga saarto cabsida laga qabo in lagu qasbo in ay la wadaagto xogta isticmaalayaasha Shiinaha. Tillaabooyinkan ayaa noqon doono kuwo amniga bartaan wax looga qaban doono si madax-bannaan.

La socodka xogta TikTok waxay ka dhigi doontaa mid adag si loo aqoonsado isticmaalayaasha gaarka ah. App-ka ayaa sheegaya in “tillaabooyinkan amaanka” ku saabsan ay ku dari doonto habab dheeraad ah oo lagu xakameynayo helitaanka macluumaadka isticmaalayaasha Yurub iyo u wareejinta xogta meel ka baxsan Yurub.

Shaqaalaha u shaqeeya Guddiga Midowga Yurub ayaa lagu amray inay taleefannadooda iyo qalabka hay’addaas ka saaraan barnaamijka TikTok.
Iyadoo shirkaddu ka duuleyso sidii kalsooni loogu qabi lahaa xaqiijinta iyo kaydinta xogta isticmaalayaasha gudaha Yurub, ayaa TikTok waxay daaha ka qaadday qorshayaal lagu dhisayo laba xarumood oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya €1.2 bilyan sannadkii, mid ka mid ah xaruumahaas waxaa laga dhisayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland, iyadoo xaruunta kalana looga dhawaaqay dalka Norway.

Labada xarumood ayaa ku shaqayn doona tamar la cusboonaysiin karo.Shirkadda ayaa tan iyo sannadkii hore ka shaqaynaysay mashruuca “Clover”.

“Waa horumarin arintaan sababtoo ah waxaan rabnaa inaan kasbano kalsoonida,” ayuu yiri Theo Bertram, madaxweyne ku xigeenka TikTok ee dhanka xiriirka dowladda iyo siyaasadda guud ee Yurub.

Qorshe kaa la mid ah oo loogu magac daray “Project Texas” ayaa hadda laga wadaa Maraykanka. In ka badan 100 milyan oo Maraykan ah ayaa isticmaala Ap-ka Tiktok, laakiin dowladaha Mareykanka iyo Canada ayaa xayiraad ku soo rogay isticmaalka shirkaddan.

TikTok waxay sheegtay in mamnuucidani ay tahay “mid marin habaabin ah oo aan waxba ku soo kordhineynin sare u qaadista amniga”. Shiinaha ayaa aad uga soo horjeeda tallaabadan.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo lagu magacaabo Mao Ning ayaa tiri, “Sidee dowlad weyn oo kaalinta koowaad kaga jirta adduunka sida Mareykanka aysan ugu kalsoonaan karin oo ay uga baqaan app-ka ay jecel yihiin dhallinyaradu?”

Maalin ka hor ku dhawaaqistii qorshahaan wax looga qabanayo xogta isticmaalaha TikTok madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxa uu soo jeediyay in la taageero sharci awood u siinaya inMareykanka laga mamnuuco shirkadaha tignoolajiyada ee ay ajaanibku leeyihiin.

Madaxa TikTok Xu Zixiu ayaa lagu wadaa in uu horyimaado Congress-ka dabayaaqada bishan. TikTok ayaa u sheegtay BBC-da in ay walwal ay ka qabto xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Falanqeeyaasha ayaa sheegaya TikTok ay u dagaallameyso in ay caddeyso inaysan khatar ku ahayn amniga internedka.

Maamulayaasheeda ayaa si isdaba joog ah u sheegay in shirakaddu aaney marnaba khatar ku ahayn amniga isla markaana ay sugayaan xogta dadka isticmaala.

TikTok waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 2018-ka, kaddib markii shirkaddu ku milantay shirkad kale oo Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo, Musical.ly, oo ah barnaamij dadka u oggolaanaya inay heesaha qaab jilitaan ah u qaadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here