Wadaxaajoodka Turkiga, Sweden & Finland eek u biirista NATO oo dib u billaabanaya 9ka Maarso 2023.

0
195

Wadaxaajoodka Turkiga, Sweden & Finland eek u biirista NATO oo dib u billaabanaya 9ka Maarso 2023.

Wadahadalka Siyaasadeed ee saddex geesoodka ah ee u dhaxeeya Waddamada Turkiga, Finland & Sweden oo hakad u galay khilaafka ka dhashay dhaqangelinta shuruudaha Ankara ayaa dib u billaabanaya 9ka Maarso 2023.

Finland & Sweden oo damacsan in ay xubno ka noqdaan Ururka Gaashaanbuurta NATO waxaa caqabad ku ah Turkiga oo ay u baahan yihiin codka ugu dambeeya maadaama sharci uu yahay in codbixinta guud ahaan in laga helo dalalka xubnaha ka ah.

Turkiga ayaa Sweden & Finland hordhigay shuruuda ay ugu weyn yihiin in ay ku wareejiyaan rag ay dooneyso Ankara kuwaas oo ay gelisay liiska waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ si ay u xirto uguna ciqaabto dambiga ay ku heysato.

Finland & Sweden ayaa diidan in Turkiga ay u fuliyaan qodobkaas sabab la xiriirta in ay magangalyo siyaasadeed siiyeen xubnaha mucaaradka ku ah Maamulka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee talada haya.

Marka la eego Finland & Sweden, Turkigu waa ay u kala dhow yihiin, khilaafka siyaasadeed, dibadbaxa ka dhanka ah Madaxweyne Erdogan ee ka dhacay Stockholm ayaa meel adag istaajiyay Ankara balse Finland kuma lug yeelan khasaaraha ka dhanka ah madaxda Turkiga.

Afhayeen u hadlay Dowladda Turkiga ayaa sheegay in Dalkiisa uu keliya ku aqbali karo codsiga Sweden & Finland in ay aqbalaan shuruudaha horay uwada galeen, la’aanta qodobadaas ayuu shaki geliyay in Ankara ay u fasaxdo xubinnimada NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here