MW Suuriya Bashar Al-Asad oo 10-sano kaddib si tartiib-tartiib ah dib usoo celinaya xiriirka kala dhaxeeya Dalalka Carabta.

0
179

MW Suuriya Bashar Al-Asad oo 10-sano kaddib si tartiib-tartiib ah dib usoo celinaya xiriirka kala dhaxeeya Dalalka Carabta.

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa 10-sano kaddib diiradda saaraya dib usoo celinta xiriirka diblumaasi ee kala dhaxeeya waddamada carabta kaddib markii uu saameeyay kacdoonkii guga carabta ee madax badan uu carbeed taliskooda galaaftay.

Al-Asad oo dagaal dhiig badan ku baxay u galay sidii uu kursiga usii heysan lahaa ayaa gooni istaag ka noqday waddamada carabta maadaama uu meel fog uu ka istaagay kulamadooda halka uu joojiyay safarrada uu ku tegayay Dalalka ay saaxiibada ahaayeen.

Isbaddelka ku yimid Madaxda uu xiriirka la lahaa balse xilheyntooda uu galaaftay kacdoonka Shacabka waa mid kale oo caga-qabatay Madaxweynaha Suuriya Bashar Xaafid Al-Asad, waxaana intaas u dheer dagaallada sokeeye ee dalkiisa ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Carabta Masar Saamix Shukry ayaa 10-sano kaddib caga-dhigtay Ciidda Suuriya, waxa uu la kulmay Madaxda Dalkaas si dib loogu soo celiyo xiriirka ka dhaxeeya labada Waddan ee Kacdoonka Carabtu saameyn taban ku reebay.

Madaxweynaha Suuriya ayaa billaabay qudhiisa safarro uu ku tegayo waddamada qaar uu u arko in xiriirka kala dhaxeeya awgii uu naftiisa ku aamini karo maadaama ay jiraan dhinacyo kala duwan oo u raadsanaya dagaalka ka dhacay dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here