Tirinta Codka Doorashada Dalka Nigeria Oo Wali Socta Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
142

Tirinta Codka Doorashada Dalka Nigeria Oo Wali Socta Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay


Tirinta Codka Doorashada Dalka Nigeria Oo Wali Socta Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
February 26, 2023
SHARE0
Tirinta codadka ayaa ka socota Nigeria kaddib doorashadii madaxtinnimo ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii militariga sanadkii 1999.

Dadka u soo baxay codeynta ayaa aad u badan, iyadoo da’yar badan, markoodii ugu horreysay codeynaya ay goobaha codbixinta sii tageen aroor hore.

Codbixintii shalay ayaa waxaa hareeyay dib u dhac baahsan oo ka jiray goobaha codbixinta, iyo sidoo kale kale warar sheegaya in la xaday sanduuqyada codbixinta iyo weerarro ay geysteen rag hubeysan.

Xisbiyada qaar ayaa walaac ka muujiyay sheegashooyin la xiriira wax is daba marin, taasoo horseedi karta natiijo lagu murmo.
Doorashooyinkan ayaa ah kuwa dimuqraadiyadeed ee ugu waaweyn Afrika, iyadoo

ilaa 87 milyan oo qof la ansixiyay inay codeeyaan.

Siyaasadaha ayaa waxaa hareeyay labo xisbi – kan talada haya APC iyo PDP – tan iyo markii la soo celiyay hannaanka dimuqraaddiga ee axsaabta badan 24 sano kahor.

Balse markan, waxaa sidoo kale jira loollan adag oo ka imaanaya musharraxa xisbi saddexaad oo doonaya inuu beddelo Madaxweyne Muhammadu Buhari – waana ninka ka socda Xisbiga Shaqaalaha, Peter Obi, kaasoo taageero ka heysta da’yar badan.

Tobnaan kun oo goobaha codbixinta ah ayaa tirinaya natiijada, taasoo loo diri doono xarumaha waaweyn ee guddiga doorashada ee ku yaalla caasimadda Abuja.

Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa inay soo baxdo ilaa ugu yaraan Talaadada.

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay, guddoomiyaha guddiga doorashada, Mahmood Yakubu, wuxuu raalligelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid codbixinta, balse wuxuu sheegay in cid walba oo saf ku jirtay abbaaro14:30 xilliga dalkaas (13:30 GMT) loo oggolaan doono inay dhiibtaan codkooda, xitaa haddii goobaha codbixinta loogu talogalay in xilligaas si rasmi ah ay u xirmaay.

Codbixiyeyaasha magaalada ugu weyn, Lagos, ayaa farxad muujiyay markii ay saraakiisha doorashada gaareen goobta codbixinta ee ku taalla xaafadda Lekki ku dhowaad afar saacadood kaddib markii codbixinta si rasmi ah loo xiray.

“Nayjeeriyaan ahaan waad fileysaa wax walba, sidaa darted waxaan soo qaatay power bank iyo dhalo biyo ah. Waan sugayaa ilaa ay yimaadaan si aan u codeeyo,” ayay BBC u sheegtay Edith oo markeedii ugu horreysay codeyneysay.

Warar sheegayay weerarro hubeysan oo lagu qaaday goobaha codbixinta

Waxaa jiray warar ka imaanayay Lagos oo sheegayay rabshado iyo sanaadiiqda codbixinta oo la xaday. Codbixiyeyaasha qaar ayaa ka cabanayay in la weeraray lagana cayriyay halkii ay isugu yimaadeen si ay codkooda u dhiibtaan.

Meelaha kale, dadka ayaa la sheegay in lagu amray inay u codeeyaan musharrax gaar ah amaba ay ka tagaan goobta codbixinta.

Mr Yakubu ayaa sheegay in rag hubeysan ay weerareen qaar ka mid ah goobaha codbixinta ee gobolka koofureed ee Delta iyo kan waqooyi ee Katsina, halkaasoo mashiinnada xaqiijinta kaararka laga qaaday.

Kaddib ayaa mashiinno kale lagu soo beddelay iyadoo ammaankana la xoojiyay si ay u dhacdo codbixinta, ayuu intaa raaciyay.

Balse codbixinta ayaa dib loo dhigay ilaa maanta 141 goobo codbixin oo ku yaalla gobolka koofureed ee shidaalka qaniga ku ah ee Bayelsa cillado awgood.

Gobolka waqooyi-bari ku yaalla ee Borno, ayaa Mr Yakubu wuxuu sheegay in maleeshiyo Islaamiyiin ah ay rasaas ku fureen saraakiisha doorashada iyagoo weerarka ka soo qaaday buur dusheeda taaoso ku taalla deegaanka Gwoza, waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah shaqaalaha doorashada.
Kahor codbixinta waxaa hareeyay yaraanta lacagta caddaanka ah oo ay sababtay isku day lagu doonayay in dib loogu qaabeeyo lacagta dalkaas, taasoo sababtay jahwareer baahsan oo ka dhacay bankiyada iyo mashiinnada lacagaha iyadoo dadku ay ku dhibtoodeen inay helaan lacagahooda.

Lacagaha cusub ayaa la soo saaray si wax looga qabto sicir bararka, iyo sidoo kale iibsashada codadka. Maalintii doorashada xubin ka mid ah Aqalka Wakiillada ayaa la xiray isagoo sitay ku dhowaad $500,000 (£419,000) oo kaash ah,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here