Dagaalka ka socda Laascaanood oo galay maalintii 22aad

0
524

Dagaalka ka socda Laascaanood oo galay maalintii 22aad

Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii 22aad oo xiriir ah ku dagaalamaya Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka, isku dhaca labada dhinac ayaa sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur.

Qoysaska kooban ee Magaalada Laascaanood ku haray ayaa go’aansaday intooda badan in ay isaga barakacaan si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaalka tooska ah & duqeynta ku dhaceysa magaaladaas.

Garaadada dhaqanka ayaa dhanka Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland ku eedeeyay in ay xooggooda isugu geeyeen sidii ay u qabsan lahaayeen Magaalada Laascaanood balse ay kahortaagan yihiin Dadka deegaanka.

Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay & dhinacyo kala duwan ayaa soo jeediyay in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool balse labada dhan dheg-jalaq uma siin dalabaadkaas.

Dadka ku dhintay Dagaalka Laascaanood ka socda 22da cisho tiro rasmi ah lagama diiwaangelin Laakiin waxaa lagu qiyaasayaa in ay ka badan yihiin 100 ruux marka laga tusaale qaato maamulka Isbitaalka Laascaanood oo sheegay in ay arkeen dhimashada 96 qof.

Dhaawaca waa in ka badan 560 ruux sida laga soo xigtay maamulka Isbitaalka Magaalada Laascaanood inkasta oo ay jiraan warbixinno kale oo tirada intaas ka badinaya, qoysaska ka barakacay dagaallada waxa ay kor u dhaafayaan 185 kun.

La soco wixii kasoo kordha dagaalka ka socda Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here