Ciyaaryahan Caan ah oo laga soo saaray burburka Dhismo ku dumay Dhulgariirkii Turkiga

0
168

Ciyaaryahan Caan ah oo laga soo saaray burburka Dhismo ku dumay Dhulgariirkii Turkiga

Waxaa wali ka socda dalka Turkiga gurmadka loo fidinayo dad ku hoos jira dhismayaasha qaar ee ku dumiyay dhul-gariirkii xoogga badnaa ee ku dhuftay qeybo kamid ah dalkaasi, waxaana jira dad nool oo lasoo badbaadiyay.

Ciyaaryanka xulka Qaranka Chana Christian Atsu ayaa laga soo saaray dhismo ku dumay dhul-gariirka, waxaana ciyaaryahanka oo dhaawacyo soo gaareen loola cararay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo.

Ku xigeenka madaxa kooxda Hatayspor, Mustafa Özat uu katirsanaa ciyaaryahan Atsu ayaa sheegay in kooxaha gurmadka degdega ay soo badbaadiyeen ciyaaryahanka oo ku hoos jiray dhisme kusoo dumay dhul-gariirka.

“Christian Atsu waxaa laga soo saaray burburka dhismo uu ku sugnaa xilliga dhulgariirka dhacayay isagoo dhaawac ah, waxaana hadda xaaladiisa lagula tacaalayaa isbitaal “ayuu yiri Mustafa Özat .

Ciyaaryahankan ku dhaawacmay dhul-gariirka ka dhacay dalka Turkiga ayaa kasoo ciyaaray horyaalka dalka Ingiriiska, waxa uuna usoo ciyaaray kooxo ay kamid yihiin Newcastale ,Chelsea, Everton iyo Bournemouth.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here