Dadka ku dhintay Dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga & Suuriya oo kor u dhaafay 7,900 oo ruux!

0
170

Dadka ku dhintay Dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga & Suuriya oo kor u dhaafay 7,900 oo ruux!

Waxaa sii kordhay dadka ku dhintay dhul-gariirka xooggan ee ku dhuftay waddamada xad-wadaagga ah ee Turkiga & Suuriya waxaana weli socda baadi-goobka dadka la waayay xogtooda si looga salgaaro haddii ay nool yihiin oo ay ku hoos jiraan dhismaha burburay.

Turkiga & Suuriya way ku kala badan yihiin khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkaas, sida ku xusan diiwaanka tooska ah ee loogu talagalay in lagu qoro tirada Dadka ku dhintay dhul-gariirka saameynta taban ku reebay Koofur-Bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Dowladda Turkiga waxa ay sheegtay in ugu yaraan ay dhinteen 5,894 ruux, halka Suuriya dhankeeda ay xaqiijisay 2,032 qof, wadarta isu geyn dadkaan ku dhintay labada waddan waxa ay gaartay 7,926 ruux inkasta oo ay jirto cabsi la xiriirta in tiradu intaas ka badan karto.

In ka badan 12,000 oo ruux ayaa baadi-goobka ka qayb ah, 9,000 oo askari ayaa shaqada la geliyay, halka howlwadeenno gurmad ahaan ugu tagay dalkaas oo ka socda in ka badan 70 waddan ay qayb ka yihiin howsha socota.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo musiibo ku tilmaamay dhul-gariirka ka dhacay dalkiisa ayaa sheegay in muddo 3 bil ah xaalad degdeg ah la geliyay Gobollada uu saameynta taban ku reebay dhul-gariirkaas.

La soco, wixii faah-faahin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here