Cabdiraxmaan Cirro “Dhibaato kasta oo dhacda, xalkeedu xabad & rasaas maaha, xalku waa wadahadal iyo nabadeyn.”

0
238

Cabdiraxmaan Cirro “Dhibaato kasta oo dhacda, xalkeedu xabad & rasaas maaha, xalku waa wadahadal iyo nabadeyn.”

Musharax Madaxweynaha xisbigi Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo ka hadlay dagaalka Aroornimadii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka ayaa ugu baaqay in la joojiyo Xabadda.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi ugu baaqay in ay muujiso dulqaad iyo dhibrrsanaan halka Gaaradada dhaqanka ee ku sugan Magaalada Laascaanood qudhooda uu ugu yeeray in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Xasilloonida.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecebooka ayuu ku yiri “Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa Caasimadda Gobolka SOOL ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto” waa sida uu yiri Cabdiraxmaan Cirro

Sidoo kale Musharax Madaxweynaha xisbigi Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa Xukuumadda iyo Odayaasha Dhaqanka ugu baaqay in ay ka wada sheeqaan Nabadda “Xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan, Garaadada dhaqankuna nabadda iyo xasilloonida ha ka shaqeeyaan, magaaladana yaan dagaal laga ridin oo aan maatidana la qaxin.”

Ugu dambeyn Qoraalka uu soo dhigay Cabdiraxmaan Cirro ayuu ku soo gabagabeeyay in si wada jir ah loogu wada shaqeeyo nabadda, xalkane uusan ku jirin Xabad “Dhibaato kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.”

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyihii hore ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani ahna hadda Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli Saaka Magaalada Laascaanood uu ka qarxay dagaal u dhaxeeyay Ciidan ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliland iyo kuwa taabacsan dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa geestay Qasaare isugu jira dhimashao iyo dhaawac kaas oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay Magaalada, inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay todobo qof halka ay ku dhaawacmeyn in ka badan labaatan ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here