DEG DEG : Somaliland oo Mamnuucday baahinta Wararka la xiriira magaalada Laascaanood

0
260

DEG DEG: Somaliland oo Mamnuucday baahinta Wararka la xiriira magaalada Laascaanood

Somaliland ayaa ka mamnuucay warbaahinta iyo wariyaasha ka howlgala deegaannada maamulka Somaliland in ay baahiyaan wararka la xiriira shirarka iyo waxyaabaha kale ee ka socda magaalada Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa looga mamnuucay warbaahinta iyo wariyaasha ka howlgala Somaliland in ay baahiyaan wararka iyo warbixinada dabka ka hurin kara xaalada magaalada Laascaanood.

Ammarkan kasoo baxay Somaliland ayaa imaanaya xilli magaalada Laascaanood shir uga socda waxgaradka beesha Dhulbahante, kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda in Somaliland dib ugu soo laabato magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here