MW Erdogan: “Waa suuragal in Turkiga uu Finland u ogolaado ku biirista NATO balse Sweden lagama yaabo”.

0
198

MW Erdogan: “Waa suuragal in Turkiga uu Finland u ogolaado ku biirista NATO balse Sweden lagama yaabo”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uu codka ku biirista Isbaheysiga NATO laga yaabo in uu siiyo Finland balse aanay laga yaabin uu marnaba u codeeyo Sweden oo fasaxooda u baahan.

Erdogan ayaa sheegay in Finland ay muujisay biseyl siyaasadeed laakiin dhiggeeda Sweden ay qaadday tallaabo xaaladda sii cakirtay gaarsiisayna heer uu quus ka muujiyo in ay fuliso ballamada fulintooda laga doonayo.

“Waa suuragal in Turkiga uu Finland u ogolaado ku biirista Isbaheysiga NATO balse Sweden marnaba lagama yaabo in ay hesho codka ku biirista isbaheysigaas oo nagu xiran” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Xukuumadda Ankara ayaa dhiggeeda Stockholm ku dhaleeceysay taageerada ay u muujisay dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan & Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo lagu gubay dibadbaxaas.

Sweden ayaa ku qasban in ay codka ogolaanshiyaha ah ka hesho Turkiga si ay ugu biirto NATO balse khilaafka siyaasadeed ee Ankara iyo Stockholm ayaa gaaray meel sare, Madaxweyne Erdogan ayaa si cad u sheegay in codkooda ay u diideen Sweden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here