MW Mareykanka Joe Biden oo Ukraine u diiday in uu siiyo Diyaaradaha F-16.

0
171
US President Joe Biden speaks about the recent mass shootings and urges Congress to pass laws to combat gun violence at the Cross Hall of the White House in Washington, DC, June 2, 2022. (Photo by SAUL LOEB / AFP)

MW Mareykanka Joe Biden oo Ukraine u diiday in uu siiyo Diyaaradaha F-16.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si cad u sheegay in Dalkiisa aanay Ukraine siin doonin Diyaaradaha Dagaalka ee Casriga ah ee F-16 si ay uga hortagaan duullaanka xooggan uu Ruushka ku qaaday Dalkaas.

Joe Biden oo Suxufiyiinta ay weydiiyeen in Dowladdiisa oo Ukraine muddooyinkii u ballanqaadeysay gantaallada difaaca iyo saanad militari in ay qayb ka tahay diyaaradda Nooca dagaalka ee Casriga ah ee F-16 ayaa si cad meesha uga saaray in uu bixinaayo.

Arrintaan ayaa loo arkaa in ay niyadjab xooggan ay ku tahay Dowladda Ukraine oo ku howlan sidii ay u heli lahayd gacan militari si ay u hesho hubka casriga ah, diyaaradaha, Taangiyada ay u baahan yihiin ciidankeeda si ay isaga difaacaan Ruushka.

Jarmalka & waddamo kale oo Reer Yurub ah ayaa Ukraine horay ugu diiday in ay siiyaan taangiyada casriga ah, Diyaaradihii ugu dambeeyay ee lasoo saaray & hubka awoodda u leh in uu qabto gantaallada ama burburaya.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa waddamada reer galbeedka si cad u weydiistay kaalmo militari oo dhammeystiran si guusha u muuqa ay u gaarto Dowladdiisa oo la xarbineysa iska caabbinta Ciidamada Ruushka iyo kooxaha gacansaarka la leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here