Jarmalka oo Ukraine u diiday in uu siiyo Taangiyada loo yaqaan Haramcad-2.

0
155

Jarmalka oo Ukraine u diiday in uu siiyo Taangiyada loo yaqaan Haramcad-2.

Dowladda Jarmalka ayaa diiday in ay Ukraine siiso taangiyada casriga ah ee Haramcad-2 kaddib markii Wasiirada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO ay ku kulmeen Magaalada Ramstein ee Dalkaas.

Ujeedka kulanka oo ahaa in qaaraan militari loo sameeyo Ukraine oo codsatay hub casri ah oo ay isaga difaacdo duullaanka uga imaanaya waddanka ay xad-wadaagga yihiin ee Ruushka oo ku weeraray 24kii Febaraayo 2022.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa si aan ka gambasho lahayn uga codsaday NATO in ay hub iyo saanad Militari siiso waddankiisa oo wajahaya culeys uga yimid in uu damcay ku biirista Isbaheysigaan.

Sarkaal katirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay adag tahay in Ciidamada Ruushka laga saaro Ukraine inta lagu guda-jiro 2023ka balse lagu sameyn karo in waxyeello xooggan la gaarsiin karo marka dagaal looga hortago.

Mareykanka ayaa calanka u lulaya sidii kaalmo militari loo siin lahaa Ukraine si ay isaga caabbiso duullaanka xooggan ay kala kulmeyso askarta Ruushka iyo kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah uu garabka siinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here