Ra’iisal Wasaaraha UK oo la ganaaxay kadib Markii Uu Xidhan waayay Suunka Baabuurka

0
220

Ra’iisal Wasaaraha UK oo la ganaaxay kadib Markii Uu Xidhan waayay Suunka Baabuurka

Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa la ganaaxay kadib markii la sheegay in uusan xiran suunka badqabka xilli uu saarnaa baabuur.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Mr Sunak “uu gebi ahaanba aqbalay khaladkan, raalli gelin ayuu ka bixiyay arrintaas”

Xafiiska wuxuu intaa raaciyay in uu bixin doono ganaaxa.

Dadka rakaabka ah ee la qabto iyagoo aan xiran suunka badqabka ee UK waxaa uu qofka muteysan karaa 100 lacagta giniga ah.

Halka haddii qofka la geeyo maxkamad lagu ganaaxi karo 500 oo lacagta giniga Ingiriiska ah.

Muuqaalka laga duubayay Ra’iisal Wasaaraha xilligga uu baabuurka saarnaa ayaa lasoo dhigay barta Istagram-ka ee Mr Sunak, wuxuu muuqaalka qeyb ka ahaa mid lagu xayeysiinayay mashruuca dowladdiisa ee ku aadan shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha, waa markii labaad oo la ganaaxo Ra’iisul Wasaaraha.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaa ganaax lagu soo rogay isaga iyo Boris Johnson iyo xaaskiisa Carrie jabinta kadib markii ay jebiyeen xeerarka ka hortagga Covid-19 – iyagoo ka qeyb galay xaflad dhalasho aheyd oo loogu talagalay Ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Downing Street bishii Juun 2020.

 

SRC : Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here