Taliban Wiilka uu dhalay boqorka Ingiriiska uu dilay 25 ruux oo rayid ah.

0
211

Taliban Wiilka uu dhalay boqorka Ingiriiska uu dilay 25 ruux oo rayid ah.

Harry Charles oo ah wiilka labaad ee Boqorka Ingiriiska ayaa soo bandhigay buug uu ka qoray howlgalka Ciidamada Britain ay ka sameeyeen Dalka Afghanistan isaga oo sheegay in uu dilay 25 dagaalame oo katirsan Taliban.

23 jirkaan lasoo shaqeeyay Ciidamada Ingiriiska ee garabka siiyay Mareykanka oo ku duullay dalkaas kaddib markii Washington oo sheegtay in ay beegsaneyso madaxda Alqaacida oo Dalkaas saldhig u ahaa.

Ciidamada Ingiriiska ayaa kamid noqday Kumanaanka Askari ee Ciidamada Afghanistan ka dagaalamay kuwaas oo laga diiwaangeliyay dhacdooyin taban & togan oo ka dhashay howlgalkooda 20ka sano qaatay.

Harry Charles markii uu sheegay in uu dilay 25 Dagaalame oo katirsan Taliban waxaa durba jawaab ka bixiyay arrintaas hoggaamiyaha Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan Anas Haqqani oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera.

Anas waxa uu sheegay in Harry uu dilay 25 ruux oo Shacab ah halka uu meesha ka saaray sheegashadii uu sameeyay ee ahayd in uu dilay xubno katirsan Taliban, arrintaas ayaa markale sii cakirtay hadal heynta taagan.

“Qirashada Harry Charles waa mid kamid ah dambiyadii ay geysteen reer Galbeedka, indhihiisu ma qan Taliban ee waxa uu laayay Dad rayid ah, xaqiiqadu waa in uu dilay Dad aan iska difaaci Karin oo Shacab ahaa, tani waa galgalasho siyaasadeed oo la isaga medadaalinayo ciyaartii soo dhammaatay ee guuldarrada u xambaarisay reer Galbeedka” Anas Haqqani oo ah Madaxa Dowladda Taliban ka dhistay Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here