KENYA : In ka badan 60 kun oo ruux oo Garoonka Kasarani u tagay Dhaarinta & Caleema-saarka William Ruto.

0
292

KENYA : In ka badan 60 kun oo ruux oo Garoonka Kasarani u tagay Dhaarinta & Caleema-saarka William Ruto.

In ka badan 60,000 (Lexdan kun) oo ruux oo ka kala tagay Gobollada Kenya ayaa Garoonka Kubadda Cagta Kasarani u jooga ka qaybgalka Dhaarinta & Caleema-saarka Madaxweynaha 5aad ee Kenya William Ruto.

Dhammaan kuraasta fadhiga Taageerayaasha daawashada u taga Cayaaraha lagu qabto Garoonkaas ayaa lagu xardhay Calanka Kenya halka ay fadhiyaan Dad wata sawirro, qoraallo & sumadda uu ololaha kusoo galay Madaxweyne William Ruto.

Kenya ayaa ciidankii ugu badnaa geysay Agagaarka Garoonka iyo gudahiisa maadaama Madaxda ugu sarreysa Dalkaas & Marti kale oo goobjoog ka noqoneysa dhaarinta & Caleema-saarka William Ruto ay joogaan.

Waxaa la joojiyay dhaqdhaqaaqa Gaadiidka goobta munaasabadda ay ka dhaceyso keliya waxaa socda Gawaaarida ay wataan Ciidamada, qaban-qaabiyaasha Xafladda iyo kuwa ay la socdaan Madaxda martida ah.

Madaxweyne Ruto marka uu ka gudbo dhaarinta & Caleema-saarka kaddib waxa uu isla garoonka Cayaaraha kubadda Cagta ee Kasarani kula hadli doonnaa guud ahaan Shacabka Kenya gaar ahaan kuwa ku sugan Garoonkaas.

Garoonkaan Kasarani ee sidoo kale loo garan ogyahay (Moi International Sports Centre) waxaa inta badan lagu qabtaa Xafladaha waaweyn si loo helo goob ku habboon oo ay isugu tagi karaan dad ka badan 60 kun oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here