Akhriso: Magacyada Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Xayaat Ee Muqdisho

0
415

Akhriso: Magacyada Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Xayaat Ee Muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo xalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli socda dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan.

In ka badan 8 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo xaaladdiisa Caafimaad lala talaacayo.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah Ganacsade Cabdirahman Xassan Iiman, Sheekh Maxamed Baabili, Cabdi Haadi Maxamed Sheekh ,Ibraahim Raage, Yuusuf Mahad Barrow iyo dad kale, kuwaasi oo ku sugnaa hotelka weerarka lagu qaaday.


HomeWarar
Akhriso: Magacyada Ku Dhintay Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Xayaat Ee Muqdisho
On Aug 20, 2022 Last updated Aug 20, 2022

Share
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo xalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli socda dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan.

In ka badan 8 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo xaaladdiisa Caafimaad lala talaacayo.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah Ganacsade Cabdirahman Xassan Iiman, Sheekh Maxamed Baabili, Cabdi Haadi Maxamed Sheekh ,Ibraahim Raage, Yuusuf Mahad Barrow iyo dad kale, kuwaasi oo ku sugnaa hotelka weerarka lagu qaaday.

RELATED POSTS
Dagaal Weli Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Ku Dhex-Maraya Hotelka Xayaat Ee Muqdisho

Aug 20, 2022
Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Dib U Dhigay Kulankii Lagu Dhaarin Lahaa Farmaajo

Aug 19, 2022
Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 19/08/2022

Aug 19, 2022
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhaawacmay uu kamid yahay Nabadoon Bootan Ahmed, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Daahir Caga Dahab, waxaana la geeyay Isbitaal oo lagu dabiibayo.

Saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay hotelka kasoo badbaadiyeen dad farabadan oo shacab ah, kuna go’doonsanaa gudaha hotelka Xayaat oo ku dhow hotelka Saxafi ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat oo weli ay ka dhex-dagaalamayaan xubno ka tirsan Shabaabka, Ciidanka dowladda ayaa wada howlgal ay kusoo afjarayaan weerarka iyo dagaalka oo qaatay saacado badan oo xiriir ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here