Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay Nin ku eedaysan dilka Hibo Qaasim oo ahayd Ardayad sanadkaan ka baxday Dugsiga Sare.

0
281

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay Nin ku eedaysan dilka Hibo Qaasim oo ahayd Ardayad sanadkaan ka baxday Dugsiga Sare.

Ciidamada Ammaanka deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo kuwa Gobalka Banaadir oo iskaashanaya ayaa gacanta ku soo dhigay Jeylaani Aadan Abaadir oo ku eedeysan dilka Hibo Qaasim Maxamed oo ka mid ahayd Ardayda sanadkaan u fadhiistay Imtaxaanka Shahaadiga ee fasalka 12aad oo ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada DFS.

Galinkii dambe ee 16 August 2022 ayaa Hibo lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha, iyada oo Suuqa soo aaday xilli ay la socotay Hooyadeed, Marxuumadda ayaa waxaa jidka ugalay rag ku hubeysan Toorey oo doonayay in ay ka dhacaan Taleefanka gacanta oo ay markaa wadatay.

Maamulka Degmada oo ku raadjoogay eedeysanahaan ayaa shalay galinkii dambe soo qabtay, iyaga oo warbaahinta u soo bandhigay Xalay, ayee ku sheegayn in Jeylaani uu yahay shaqsigii ka dambeeyay dilka Hibo Qaasim Maxamed oo ahayd Ardayad ka baxday sanakaan Dugsiga Sare.

Faa’iisa Maxamuud Abuukar oo ah Hooyada dhashay Hibo ayaa Warbaahinta kula hadashay gudaha Saldhiga Lafoole ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegtay in gabadheeda lagu dilay Suuqa xilli ay soomneyd maalintaas, iyada oo uga mahadcelisay dhammaan cid waliba oo ka geesatay soo qabashada Eedaysanah iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Gabadhayda Suuqa ayee gudaha u gashay, annigane Tacsi ayaan horay usii aaday oo maamo Suuqa xaafadda ah ayaan aaday, waxa aan dhahay sii adeeg Hooyo anniga ayaan ku soo maraa oo waan israaceynaa, markii aan soo noqday gabadheyda hortey ayee baxday, ka dib waaliisoo wacay, waxa liisheegay in ay dhaawac tahay gabadheyda, ka dib way u dhimatay” sida ay tiri Faa’iisa Maxamuud Abuukar oo ah Hooyada dhashay Hibo.

Dhanka kale Guddoomiyaha Deegaanka Lafoole, Nuur Ibraahim Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muddo ay wadeen howlgalo balaaran oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha, si gacanta loogu soo dhigo dambiilaha geystay dilka, kaas oo markii dambe ay ku guuleystayn in ay soo qabtaan.

Ugu dameyn Taliyaha qeybta bari ee Gobalka Banaadir Yaasiin Genay oo shirjiraa’id ku qabtay gudaha Saldhiga Lafoole ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha loo gudbin doona Hay’adaha baarista iyo kuwa sharciga, isla markaan laga qaadi doona tilaabo waafaqsan sharciga.

Dhawaanahaan waxaa maagalada Muqdisho iyo duuleedkeeda ku soo badanayay Burcad ku hebaysan Tooreeyo iyo hub kuwaas oo dhaca ugeysta dadka shacabka, iyaga oo markii dmaba qaar kood dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here