Maxkamad ku taal Mareykanka oo Xabsi daa’in ku xukuntay Nin ku lug leh Suxufiyiin & Samafalayaal lagu dilay Suuriya.

0
228

Maxkamad ku taal Mareykanka oo Xabsi daa’in ku xukuntay Nin ku lug leh Suxufiyiin & Samafalayaal lagu dilay Suuriya.

Maxkamad Federaal oo Mareykanka ku taal ayaa xukun Xabsi daa’in ah (Madaxaa haku furto ah) ku ridday Al Shafi al-Sheikh oo u dhashay Waddanka Suudaan kuna eedeysan in uu ku lug lahaa dil Suuriya loogu geystay Suxufiyiin & Samafalayaal Mareykan ah.

Dacwad oogayaasha kiiskaan kusoo oogay 34 jirkaan ayaa sheegay in uu ku lug lahaa shirqool lagu afduubtay Suxufiyiinta & Samafalayaasha oo ugu dambeyn ay dishay Kooxda Daacish ee ku xoogganeed waddanka Suuriya.

Al-Sheikh ayaa loo heystaa in uu sababteeda lahaa in Afduubto oo la dilo James Foley, Steven Sotloff, Peter Kassig iyo Kayla Mueller, waxaa laga hor caddeeyay kiiskaan kaalinta uu ku lahaa Maxkamadda la horgeeyay sida ay sheegtay Warbaahinta.

Ehelka 4ta ruux ee gacanta daacish ku baxay ayaa Maxkamadda ka dalbaday in la xukumo dhammaan dadka kiiskaan ku lugta leh si ay u helaan Caddaalad sida ay u sheegeen Warbaahinta Mareykanka oo ay la hadleen.

Mareykanka ayaa gacanta ku haya Dad ku eedeysan in ay katirsan yihiin Daacish isla markaana ay dileen Muwaadiniin Reer Galbeed ah kuwaas oo intooda badan heysta dhalashada waddamada ay ka dileen dadkooda.

Al-Shafi waxa uu ku dhashay Jamhuuriyadda Suudaan ee Waqooyiga Qaaradda Afrika, waxa uu kusoo koray Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska oo uu ka qaatay dhalashada labaad, muddo kaddib ayuu aaday Suuriya si uu ugu biiro Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here