Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Jigjiga

0
270

Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Jigjiga

Dab xoogan oo socday saacado xiriir ah ayaa fiidnimadii xalay ka kacay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana dabkaasi uu geystay khasaaro nafeed oo gaaray dad shacab ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dabka uu markii ka kacay Guri ku yaalla xaafadda 13 ee Jigjiga, kadibna uu kusii faafay qeybo kale oo kamid ah halkaas, iyadoona markii dambe dadaalo kala duwan oo la sameeyay lagu guuleystay demintiisa.

Ugu yaraan afar qof oo saddex kamid ah yihiin dad isku qoys ah ayaa ku dhintay dabka oo ahaa mid xoogan, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii ku howlanaa deminta dabkaas xalay ka kacay Magaalada Jigjiga.

Dabka ayaa baabi’iyey guriga uu ka kacay, waxaana dadka dhaawacmay loola cararay Isbitaalka, wararka ayaa intaasa kusii daraya in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay guriga, dhowr jeer oo horey Guryo ku yaalla Jigjiga ayaa waxaa ka dhacay dab khasaaro geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here