Ciidanka FBI oo Guriga Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ka helay Warqado sir qaran ah.

0
315

Ciidanka FBI oo Guriga Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ka helay Warqado sir qaran ah.

Saraakiil katirsan Booliiska Federaalka Mareykanka ee FBI oo qaabilsan nabadgalyada & dabagalka macluumaadka sirta ah ee qarsoon (Daahsoon) ayaa guriga Madaxweynihii 45aad ee Dalkaas Donald Trump ka helay dukumiintiyo sir qaran ah oo keliya loo ogol yahay in ay arkaan Dad kooban.

Ciidanka FBI oo maalmihii lasoo dhaafay baaris adag kawaday Guriga Trump ayaa gacanta ku dhigay 11 Diiwaan oo ah Macluumaad sir ah una gudbiyeen maxkamadda awoodda u leh arrintaan maadaama xogtaas ay tahay mid aan loo baahneen in bannaanka lasoo dhigo.

FBI ayaa kahor inta aysan fulin howlgalkaan waxa ay Maxkamadda ka codsadeen in ay u fasaxdo gelista Hoyga Trump, markii ay ruqsad ka heleyn ayay ku dhaqaaqeen howlgalkaas oo ay kusoo qabteen macluumaadkaan aan loo ogoleyn in lasoo bandhigo.

Maxkamadda ayaa qudheeda sheegtay in warqadaha ay ku jiraan kuwa diiwaanka qaranka galay & sir kale oo ah macluumaad qaran sidaas awgeed aanay habbooneen in lagu hayo meel lamid ah goobta lagu soo qabtay.

Trump oo qiray Warqadaha in ay yihiin kuwo sir ah ayaa isku difaacay in aanay jirin dalab loo gudbiyay oo ah in uu ku wareejiyo Hay’adaha shaqada ku leh, waxa uu ku dooday in gacan ammaan ah ay ku jireen dukumiintiyadaan.

Donald Trump oo xilka uga tagay hab aan maamuus wanaagsaneen kaddib markii taageerayashiisa ay weerareen Aqalka Baarlamaanka ayaa horay usii qaatay Dukumiintiyo macluumaad sir ah ku qoran yihiin, waa tan keentay in ay ka dabatagaan ciidanka FBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here