Baarlamaanka Ciraaq Oo Maalintii Labaad Gacanta Ugu Jira Taageerayasha Muqtadda Al-Sadr

0
293

Baarlamaanka Ciraaq Oo Maalintii Labaad Gacanta Ugu Jira Taageerayasha Muqtadda Al-Sadr

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Shiicada Ciraaq, Muqtadda al-Sadr ayaa u muuqda kuwo maalmaha soo socda sii deganaan doona xarunta baarlamaanka ee dalka Ciraq, kadib markii ay xalay habeenkii labaad halkaasi ku hoydeen.

Qaar badan oo ka mid ah mudaaharaadayaashan ayaa taandhooyin ka dhistay banaanka hore iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa hakad wali ku jira habsocodka guud ee Dowladda Ciraaq, xili Taageerayaasha Muqtadda al-Sadr oo aad u xamaasadeysan ay isku ballaariyeen qaybo ka mid ah Xaruumaha Dowladda.

Dhinaca kale wasaaradda difaaca ee dalka Ciraaq ayaa ugu baaqday ciidamada milateriga ee dalkaasi, inaanay ku milmin siyaasadda oo dhex-dhexaad ka noqdaan xaaladaha siyaasadeed ee haatan ka aloosan dalkaasi.

Waxaana isi-soo taraya baaqyada ku aaddan in aan la waxyeelayn Shacabka faraha badan ee caraysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here