Sargaalkii Al-Shabaab Ee Ay Itoobiya Sheegtay Iney Dishay Oo Soo Hadlay Iyo Warar Kale

0
327

Sargaalkii Al-Shabaab Ee Ay Itoobiya Sheegtay Iney Dishay Oo Soo Hadlay Iyo Warar Kale

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay dagaalkii ay Shalay ay la galeen ciidammada Liyu Booliska ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iney ku dileen in ka badan 100 askari.

Faahfaahin kooban oo ururka Al-shabaab uu dagaalka ka soo saaray wuxuu ku sheegay fariisimo ay ciidamada Liyuu booliska ka smeysteen deegaanka Ato ee gobolka Bakool ay cagta mariyeen, hub iyo saanado ciidanna ay ka furteen, sida ay ku sheegeen cod ay ku baahiyeen warbaahinta afka Al-Shabab ku hadasha.

Sheekh Cabdulcasiis Abu-Muusa oo ah afhayeenka Al-Shabaab kana mid ahaa xubnihii ay Itoobiya sheegtay iney ku dishay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ato wuxuu sheegay subaxnimadii shalay ahayd iney ciidamada Liyu Booliska ay ku qaadeen dagaal culus.

Kama uusan hadlin wararka sheegaya in la dilay shalay, mana cadda xilliga uu codkaasi duubay.
Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in ay dishay mid ka mid ah horjoogayaasha aadka loo baadi goobayay ee Al-Shabaab, kadib howlgallo la xiriira duqeyn dhanka cirka ah.

Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaanno Fu’aad Shongole waxaa uu ahaa madaxa dacaayadda ee al-Shabaab, sida uu sheegay jeneraalka Itoobiya.

Horey, Maraykanku wuxuu madaixiisa dul dhigay 5 milyan oo doolar oo qofkii keena ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto lacagtaasi lagu abaal-marinayo.

Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab iyo 3 kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency.

Janaraal Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay iny burburiyeen keydadkii hubka ee ay kooxda u diyaarisay inay ku weerarto Itoobiya.

Saddexda hogaamiye ee la dilay ayuu Janaarlka ku sheegay inay kala yihiin:

1. Fu’ad Mahamed Khalif [Shongole] oo u qaabilsanaa abaabulka iyo borobagandhada kooxda Al-shabaab.

2. Cabdul Casiis Abu Musa oo ahaa afhayenka Al-shabaab.

3. Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool. Waa sida lagu baahiyay Ethiopian News Agency
Waa markii saddexaad oo bil gudaheed ay deegaannada xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhacaan dagaallo ka dhashay weerarro ay qaadday Al-Shabaab.

Labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha labada dhinac ay kala sheeganayaan.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in todobaadkan ay mas’uuliyiintu qorsheeyeen in meel ka baxsan dhulka Itoobiya laga sameeyo “aag ammaan ah” si looga hortago weerarradaas “maxaa yeelay ma sugi karno cadawgu ilaa uu halkan noogu yimaad”, ayuu yiri muuqaal la soo dhigay Twitter-ka

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimhihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend, wuxuu sheegay iney u muuqato ciidamada Itoobiya iney jabiyeen isla-markaana ay xakameeyeen duullaanka Al-Shabaab uu ku soo qaaday, ayna dhici karto Al-Shabaab weerarrada noocan ah iney sii wadi doonaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa muddo ku siman 15 sano dagaal hubeysan kula jira dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Howlgalka ee Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here