Shiinaha Oo Mareykanka Digniin Culus U Diray

0
313

Shiinaha Oo Mareykanka Digniin Culus U Diray

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa soo saartay digniin culus oo ay u direyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasha rasmi ah ku tageyso Jasiiradda Taiwan.

Bayaanka wasaaradda oo lagu daabacay Financial Times waxaa lagu sheegay Beijing iney digniin kuwi hore ka culus ay Washington u direyso.

Shiinaha wuxuu sheegay Mareykanka haddii digniinta ay u soo jeedineyso uu tixgelin waayo ay qaadeyso tallaabbo adag, inkasta oo ay sheegin tallaabbadaasi iney ku jirto mid milatari.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian wuxuu sheegay iney Washington ka doonayaan iney caddeyso mowqifkeeda ku aaddan Taiwan.

Aqalka cad ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo hadalka ka soo yeeray Shiinaha.

Dowladda Taiwan waxay sheegtay mustaqbalka jasiiradda iney go’aaminayaan oo keli ah 23-ka malyan ee qof ee jasiiradaasi ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here