In ka badan 50 Milyan oo ruux ayaa cunno la’aan & macluul ku heysataa Bariga Afrika. IGAD

0
251
TOPSHOT - A woman stands next to water taps that are out of service in the camp for internally displaced people of Farburo 2 in the village of Adlale, near the city of Gode, Ethiopia, on April 6, 2022. - About 2,700 families live in Farburo 2 camp, which was set up three months ago. Small branch huts support a patchwork of fabrics that provide shade in a temperature of around 40°C. The worst drought to hit the Horn of Africa for 40 years is pushing 20 million people towards starvation, according to the UN, destroying an age-old way of life and leaving many children suffering from severe malnutrition as it rips families apart. (Photo by EDUARDO SOTERAS / AFP)

In ka badan 50 Milyan oo ruux ayaa cunno la’aan & macluul ku heysataa Bariga Afrika. IGAD

Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay in ka badan 50 Milyan oo ruux oo ku nool Bariga Afrika oo saameyn taban ku reebtay Abaarta ka jirta waddamada dhaca Geeska Afrika oo xubno ay ka yihiin ururkaan.

Qoraal dheer uu Ururka kasoo saaray xaaladda cunno la’aan iyo nafaqo darro ee heysata Dad ku nool waddamada kala ah: Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Koofurta Suudaan & Jamhuuriyadda Suudaan waxa uu ku dalbaday in la gacansiiyo dalalkaan.

2022 ayuu Ururka IGAD sheegay in tirada Dadka abaartu saameysay ay gaartay 50 ilaa 51 Milyan oo ruux halka sanadkii 2021 ay gaarayeen 42 Milyan oo qof taasina ay muujineyso xaddiga awoodda abaartu heerkeeda inta uu gaaray.

Urur Goboleedka IGAD ayaa xusay in waddamada dhibaatooyinka nololeed ay ka jiraan dhexdooda ay isaga kala gudbeed Dad u arka in waddanka ay joogaan mooyee kan kale ay ku helayaan nolol ka wanaagsan midda waddankooda.

Walaaca ugu weyn waxa uu kordhay markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay dhintay gargaarka bani aadamnimo oo ay siiso Qaxootiga, kaddib waxaa la wajahay xaaladdii ka dhalatay Covid-19, colaad, fatahaad, Ayax & Abaar.

“Gobolkeenu waxa ay Abaartu u saameysay si aanay horay u dhicin, xiligaan waxaa taagan waa xaalad cunno la’aan ah oo ka jirta Itoobiya, Kenya & Soomaaliya, dhibaato tan lamid ah ma dhicin 40kii sano u dambeeyay, waa arrin wadno qabad ku ah nolosha Dad badan, haddii aan gargaar loo helin ama dhicin xaalad kale oo abaarta ka saari karta Ilaa October ama December welwelka wuu sii kordhi doonnaa” ayaa lagu yiri qoraal uusoo saaray xoghayaha IGAD Workeh Gebeyehu.

Urur Goboleedka IGAD ayaa ururrada kale ee Qaaradda ka jira, Qaramada Midoobay iyo cid weliba oo kaalin ka qaadan karta wax ka qabashada xaaladaha Bania adaamnimo ee jira ka dalbaday in aysan dib u dhigan kaalintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here