Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Safarkii 7-Aad Dibedda Ugu Baxayo Iyo Ujeedkiisa

0
331

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Safarkii 7-Aad Dibedda Ugu Baxayo Iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta kusii jeeda Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Villada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar Cabdifitaax Al-sisi, iyagoona wada-hadalo looga hadlayo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Masar iyo Soomaaliya ku yeelan doona Magaalada Qaahira.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifitaax Al-sisi ay sidoo kale ka arrinsan doonaan arrimah Ganacsiga, iskaashiga labada dal iyo Arrimo ku saabsan xaaladda Gobolka.

Booqashadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Masar ayaa noqon doonta tii 7-aad uu dibedda ku aadayo tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, kadib safaradii Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti iyo Tanzania.

Masar ayaa ka mid aheyd dalalkii ugu horreeyey ee casuumadda usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii dib loo doortay, iyadoo oo la rumeysan yahay in Qaahira ay guushii Xasan Sheekh u aragtay faa’iido weyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, iyaga oo ka yimid Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, halkaas uu kaga qeyb galay Shirkii Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here