Guddoomiyaha Yeed: “Al-Shabaab way na dul fadhiyaan, waxaa naga go’an in aan iska fogeyno”.

0
296

Guddoomiyaha Yeed: “Al-Shabaab way na dul fadhiyaan, waxaa naga go’an in aan iska fogeyno”.

Cabdisalaan Duwane Cumar, Guddoomiyaha Yeed ayaa sheegay in ku dhawaad 72 saac ay dagaal isku hor fadhiyaan dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo weeraray deegaanno katirsan Gobolka Bakool & Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Duwane waxa uu sheegay in dagaalladaas ay dhaliyeen dhimasho, dhaawac & cabsi lasoo deristay Dadka Deegaanka oo xaaladdooda is baddeshay kaddib markii dagaal xooggan uu ka billawday deegannadooda.

Guddoomiyaha Yeed Cabdisalaan Duwane Cumar waxa uu ku hanjabay in ay ka go’an tahay soo afjaridda dagaalka, Al-Shabaab ayuu sheegay in ay labo qayb isu qaybiyeen markii ay weerarayeen Yeed & Caato.

“Al-Shabaab way na dul fadhiyaan, waxaa naga go’an in aan iska fogeyno oo u celino meelihii ay kasoo duulleen, Nimanku labo qayb ayay ahaayeen, waxa ay ka gudbeen Yeed & Caato oo isu jira 45 KM, kama aanay warqabin, kolonyo Gaadiid culus ayay wateen, waxa ay galeen Dhul Haro ah oo katirsan tuulooyin 130 KM inoo jira oo dhanka Afdheer katirsan” Guddoomiyaha Yeed.

Cabdisalaan Duwane Cumar, Guddoomiyaha Yeed waxa uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qayb kamid ah dagaalamayaashooda ay mashquuliyaan ciidanka ku sugan Yeed halka kuwa u gudbay Dowlad-Deegaankana ay beegsadeen saldhigyada Ciidamada Liyuu Booliis.

“Ciidamo katirsan Dowlad-Deegaanka ayaa kahor yimid, dagaalkaas waxa uu keenay saameyn culus, Gaadiidka ay wateen waxa uu ahaa 18 Gaari oo dadkii arkay inoo xaqiijiyeen halka ciidanka uu dhamaa 400 oo askari meelahaas ah, fikirada ayaa u kala duwanaa oo kuwo ayaa rabay in ay na mashquuliyaan halka kuwa kale raba in ay gudaha galaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Yeed oo la hadlay VOA Somali.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in qorshahoodu yahay soo afjaridda dagaallada ka socda Deegaanno katirsan Gobolka Afdheer oo ay ku sugan yihiin Dagaalamaayasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here