Al-Shabaab Oo Dagaal Culus Kula Wareegay Degaano Ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Liyuu Boolis

0
201

Al-Shabaab Oo Dagaal Culus Kula Wareegay Degaano Ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Liyuu Boolis

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan deegaano ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalkaan oo qaatay saacado dhowr ah ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weeraro culus ku qaadeen deegaanada Aato iyo Yeed ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay ku sugnaayeen Liyuu Boolis.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii cuslaa ee dhacay, isla markaana waxaa inta uu socday dagaalkaas ay dhinacyada isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay ku warrameen qaar kamid ah dadka deegaanka Yeed.


HomeWarar
Al-Shabaab Oo Dagaal Culus Kula Wareegay Degaano Ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Liyuu Boolis
On Jul 21, 2022 Last updated Jul 21, 2022

Share
Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan deegaano ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalkaan oo qaatay saacado dhowr ah ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weeraro culus ku qaadeen deegaanada Aato iyo Yeed ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay ku sugnaayeen Liyuu Boolis.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii cuslaa ee dhacay, isla markaana waxaa inta uu socday dagaalkaas ay dhinacyada isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay ku warrameen qaar kamid ah dadka deegaanka Yeed.

RELATED POSTS
Muxuu Aadan Madoobe Kala Hadlay Xildhibaanada Kasoo Jeeda K/Galbeed & Jubbaland?

Jul 21, 2022
Muxuu Yahay Ujeedka Socdaalka MW Xasan Sheekh Uu Maanta Ku Aadayo Tansaaniya?

Jul 21, 2022
Madaxweyne Biixi Oo Jawaab Ka Bixiyey Cabashada Mucaaradka Somaliland Ee Doorashada

Jul 20, 2022
Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hayeeshee Guddoomiyaha Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed oo si kooban uga hadlay dagaalka ayaa sheegay inuu jiro khasaaro kala duwan, in kastoo aysan shaacin tirrada khasaaraha.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye Maxamed Cabdi Tool in ay dib ka faah faahin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay deegaanada Aato iyo Yeed, xaaladda deegaanada ayaa saaka lagu soo warramayaa inay degan tahay.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay guulo uga sheegteen dagaalada, iyagoona tilmaamay inay gacanta ku dhigeen Aato iyo Yeed oo ay ku qaadeen weeraro culus, kadibna ay halkaas ka dhaceen dagaalo.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanada Aato iyo Yeed, ayna ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Liyuu Boolis, isla markaana ay weerarka ku qabsadeen hub iyo saanad Ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here