Madaxweynayaasha Iiraan, Ruushka & Turkiga oo maanta ka shiraya Xaaladda Suuriya.

0
299

Madaxweynayaasha Iiraan, Ruushka & Turkiga oo maanta ka shiraya Xaaladda Suuriya.

Magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan waxaa maanta ka dhacaya shir saacado soconaya oo dhaxeeya Madaxweynayaasha Ruushka Vladimir Putin, Turkiga Recep Tayyip Erdogan & kan Iiraan oo ah martigeliyaha kulankaan Ebrahim Raisi.

Ujeedka shirkaan saddex geesoodka ah waa in ay saddexdaan Madaxweyne diiradda ay saaraan xaaladda Suuriya iyo in ay xoojiyaan xiriirka diblumaasi ee ka dhaxeeya Xukuumadaha Tehran, Moscow & Ankara.

Madaxweyne Putin oo saaran culeys siyaasadeed oo ka dhashay duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022 ayaa galaya safar indhaha lagu wada hayo oo uu ku tagayo Bariga dhexe.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynayaasha Ruushka iyo Turkiga ayaa gaaray Magaalada Tehran si ay gogol dhac ugu noqdaan soo dhaweynta Vladimir Putin iyo Recep Tayyip Erdogan halka la xoojiyay ammaanka Iiraan.

“Xasilooni darrada Gobolka waa dhibaatada ugu weyn ee miiska saaran loona baahan yahay sidii loo heli lahaa xal xasiloon oo nabad kusoo dabbaali kara Bariga dhexe, Waqtiga Shir weynahaan ma aha mid iska yimid” sidaasi waxaa yiri Sarkaal katirsan Xukuumadda Moscow.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maalmo kahor safar ku maray Bariga dhexe si uu u xoojiyo xiriirka Mareykanka uu la wadaago Israel, Falastiin & Sacuudiga, halka Putin uu dhankiisa ka shaqeynayo xoojinta cilaaqaadka Turkiga, Suuriya & Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here