Kuuriyada Koofureed oo kordhisay xayiraadda safar ay kusoo rogtay waddamo Soomaaliya ay kamid tahay.

0
271

Kuuriyada Koofureed oo kordhisay xayiraadda safar ay kusoo rogtay waddamo Soomaaliya ay kamid tahay.

Kuuriyada Koofureed ayaa kordhisay muddada xayiraadda safar ay saartay waddamada colaadaha ay ka jiraan si ay uga hortagto halis weliba oo uga imaan karta muwaadiniinta dalkaas iyo kuwa u safri kara.

Xayiraaddaan oo ah mid ku siman 31ka July 2022 waxaa la gaarsiiyay Janaayo 2023 sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koofureed oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Yonhap.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koofureed ayaa qoraalkeeda ku muujisay in ay ka feejigan tahay halista amni darro ee dalalka diiwaankaan ku jira ka imaan karta balse keliya looga hortagi karo in la joojiyo isu socodka Dadka.

Waddamada liiskaan ku jira ayaa kala ah Afgaanistaan, Ciraaq, Soomaaliya, Yemen, Suuriya & Liibiya, waxaase jira waddamo kale oo meelo cayiman laga tilmaamay sida Ukraine, Belarus, Ruushka & Philippine.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koofureed ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay ula socon doono xaaladaha is baddelka ah ama kasoo cusboonaada waddamada dambe ee dagaallada ka socdaan.

Sababta waxa ay ku sheegtay in ay kala duwan yihiin dagaallada ka socda maadaama 6da dal ee hore dagaalka ka socda ay ku tilmaamtay in uu yahay “Mid Argagixiso” kana halis badan yihiin dagaallada kale sida hadalka loo dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here