DEG DEG : Somaliland Oo Degaanadeeda Ka Mamnuucday Idaacadda BBC-Da

0
416

DEG DEG : Somaliland Oo Degaanadeeda Ka Mamnuucday Idaacadda BBC-Da

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in degaanadeeda ay ka mamnuucday Idaacadda BBC-da, iyadoona u jeedisay Eedeymo culus oo la xariira madax-bannaanida ay sheegato Somaliland.

Wasiirka Warfaahinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa shaaciyay goordhwyed in degaanadooda aysan kasii shaqeyn karin Idaacadda BBC-da oo ah Warbaahin ka howlgasha degaanada Somaliland.

Wasiirka ayaa eedo Culus u jeediyay BBC-da, waxaana uu sheegay in ay hoos u dhigtay Karaamada Somaliland, taasi oo keentay inay ka mamnuucaan degaanadooda.

Somaliland ayaa horay ugu dhawaaqday in ay ka go’day Somalia inteeda kale, balse ilaa iyo hadda ma helin wax aqoonsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here