Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo casumaad ka helay dhiggiisa Turkiga.

0
374

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo casumaad ka helay dhiggiisa Turkiga.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa martiqaad ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayip Erdogan si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara, kala saxiixashada heshiisyo cusub & qodobo kale.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu Turkiga ku sugnaanayo muddo 3 cisho ah oo wadahadalka uu la leeyahay Erdogan kuwada gorfeyn doonaan.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa ballanqaaday in uu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka dibadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda ah si loo xaliyo waxyaabaha la kala tirsanayo.

Waa safarkiisii labaad uu dalka dibaddiisa ku aadayo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15kii May 2022, socdaalkii kan ka horreeyay waxa uu ku tagay Isu tagga Imaaraatka Carabta.

Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaro Ciidamo, waxaana dalkaas ku maqan askar tababar ciidan ku qaatay Xerada Turksom balse aqoon kororsi loogu qaaday Xeryo militari oo ku yaalla Dalkaas waxaana la filayaa in uu tago Madaxweynaha JFS.

Xiriirka Muqdisho & Ankara oo soo billawday 2011kii xiligaas oo dalka galay xaalad abaar waxa uu xoogeysanayay sanadba sanadka ka dambeysa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Turkiga Muqdisho kusoo dhawaayay Janaayo 2015kii xiligaas oo uu ahaa Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here