Taariikhda AHUN Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa

0
490

Taariikhda AHUN Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa waxaa 2dii July 2022 ku geeriyootay AHUN Khadra Daahir Cige oo kamid ahayd Fannaaniinta Qaranka ee Hobollada Waaberi, waxa ay kasoo gashay dhanka Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Sida ay ku sheegtay Wareysi ay bixisay 1976dii, waxa ay Khadra ku dhalatay 1957dii Magaalada Hargeysa oo ay kusoo bartay waxna kusoo baratay illaa markii dambe ay usoo wareegtay Magaalada Muqdisho oo ay ku qaaday heeso kala duwan iyo Riwaayado ay ka qaybgashay.

Heestii ugu horreysay oo ay qaaday waxa ay ahayd “Afka lagama sheegto adiga oo Jaceyl arag” oo uu miraha heestaan uu lahaa Maxamed Cabdi Wayrax, halka uu laxanka saaray Saalax Qaasim Naaji.

Waxaa ereyada heestaas kamid ah:

“Afka lagama sheegto adigoon jaceyl arag, looma uur xumaadee, Aniguu I helayoo, intuu soo abraaroo Xadhig igu adkeeyee”.

Khadra waxa ay kamid noqotay fannaantii Gobollada Waqooyi ee Muqdisho yimid, waxa ay Golaha Murtida & Medadaalada (National Theatre) ku qaaday heeso kala duwan halka ay qayb uga noqotay Riwaayado lagu soo bandhigay.

Wixii ka dambeeyay 1991dii oo uu Dalka galay dagaalkii sokeeye waxa ay saldhigatay Magaalada Hargeysa oo ah halkii ay ku dhalatay kuna barbaartay, waxa ay ka billawday wacyigelinta Dhalinyarada si loo joojiyo dagaalka beelaha.

AHUN Khadra Daahir waxa ay ku luuqeysay hees ay ku muujineyso dhibaatada uu leeyahay dagaalka sokeeye oo ay kamid yihiin erayada ku jira:

“Kugu dhimay iyo kaa dhimay kii dhinta waa aniga, iga dherag haadkuyee aaway dhalinteenii, Ninkii dhego qabo maqal, kani waa dhulkeenii, waa kaad ku dhalatay”.

Markii ugu dambeysay oo ay Warbaahinta kasoo muuqatay AHUN Khadra Daahir waxa ay ahayd 06-June-2022 oo ay ka hadashay dhibaatada laga dhaxli karo khilaafka siyaasadeed ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi & Xisbiyada Mucaaradka.

Waxa ay ugu baaqday in laga joogsado in dhalinyaradu la isu adeegsado, wixii tabasho ahna lagu dhammeeyo wadahadal dhexmara dhinacyada wax kala tirsanayaa oo la isku howlo badbaadinta Dadka rayidka ee ka welwelsan hadallada xanafta leh ee ay is dhaafsanayaan Xukuumad iyo Mucaarad.

“Siyaasiyiinta yada waxa aan leeyahay muxaafid & Mucaarad Dalka haloo turo, Dadka haloo turo, Carruurta & Haweenkana haloo turo, wixii aad isku af garan weysaan awalba waad saxan jirteen waxaa wanaagsan in aad saxataan inta isku timaadaan, wixii sharci ama sharci darro ah aad kawada hadashaan,” ayay tiri Khadra Daahir 06-06-2022.

AHUN Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay mid kamid ah Isbitaallada Magaalada Hargeysa waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Isla magaaladaas, waxaana ka qaybgalaya Madaxd kala duwan, Fannaaniin, Ehelkeeda & Dad kale oo aqoon u laha Marxuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here