Yuhuudda Oo Farriin U Dirtay Dadkeeda Ku Sugan Dalka Turkiga

0
329

Yuhuudda Oo Farriin U Dirtay Dadkeeda Ku Sugan Dalka Turkiga

Muwaadiniinta Israa’iil ee booqanaya maaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa loo sheegay in ay ka baxaan dalka Turkiga weliba si deg deeg ah iyadoo arrintaa lla xiriirinayo qataro ka imaanaya dhinaca Iran.

Wasiirka Arimaha Dibedda ee Israa’iil Yair Lapid, ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay Qatar degdeg ah oo dhab ah,.

Wuxuu sheegay weerar ay Iran dhowan rabtay in ay ka geysato Istanbul la fashiliyey ayna mas’uuliyiintu rumeysam yihiin in ay jiraan kuwo kale oo qorsheysan

Iran ayaa Israa’iil ku eedeysay dilka korneel ka mid ahaa ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran oo lagu dilay gurigiiisa oo ku yaalay magaalada Tehran bishii hore waxayna ku hanjabtay tallaabo ay kaga aargudaneyso dilkaas .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here