Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Aysan Doorashadu Dib U Dhacayn Ta Ururadu Soo Horaynayso

0
333

Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Aysan Doorashadu Dib U Dhacayn Ta Ururadu Soo Horaynayso

Madaxdweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiyada muraacadka ah ay tuhunsan yihiin inuu muddo xileedka dheeraysan rabo, balse aanu taa sharci u haysan.

Isagoo xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag, ayaa Madaxweynhuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibedbixii 9-kii June ka dhacay Hargeysa.

Waxa uu ka warramay sababta keentay in xukuumaddiisa ay mucaaradka u oggolaan weydo inay qabsadaan mudaharaad nabdoon, sida ay ku doodeen hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.


HomeWarar
Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Aysan Doorashadu Dib U Dhacayn
On Jun 14, 2022

Share
Madaxdweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiyada muraacadka ah ay tuhunsan yihiin inuu muddo xileedka dheeraysan rabo, balse aanu taa sharci u haysan.

Isagoo xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag, ayaa Madaxweynhuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibedbixii 9-kii June ka dhacay Hargeysa.

Waxa uu ka warramay sababta keentay in xukuumaddiisa ay mucaaradka u oggolaan weydo inay qabsadaan mudaharaad nabdoon, sida ay ku doodeen hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.

RELATED POSTS
Faah Faahin: Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyo Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Jun 14, 2022
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 13/06/2022

Jun 13, 2022
Xasan Sheikh Oo La Kulmay Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda Ee Xoghayaha A/Dibadda Mareykanka

Jun 13, 2022
“Waraaq wargelin ah ayay soo qoreen, waxaa la yiri isu-key keena, wayna ka xanaaqeen oo waxba nooma oggola oo way na meer-meerinayaan bay dhaheen. Dhibaato aynaan u baahnayn baa ka dhacday. Hadday dad ku dhaawacmeen, hadday xarig tahay, hadday buuq tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen taageerayaashiisa dibedbaxayay, ilaa haatanna ay xiran yihiin mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, isagoo intaa raaciyay in dunida ay caadi ka tahay in la isku maan-dhaafo arrimaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here