Saciid Deni Oo Maanta Qaatay Shahaadada Musharaxnimo Ee Xilka Madaxweynaha Dalka

0
283

Saciid Deni Oo Maanta Qaatay Shahaadada Musharaxnimo Ee Xilka Madaxweynaha Dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Musharax Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo talaado ah qaatay shahaadada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa Saciid Deni diiwaan-geliyay, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha, kadib markii uu soo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ee laga rabay Musharaxiinta u tartameysa doorashada.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada ayaa maalintii saddexaad Xarunta Aqalka Sare ka wada bixinta shahaadada ay qaadanayaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha, waxaana Guddiga ay Maanta soo gaba-gabeynayaan diiwaan-gelinta.

In ka badan 30 Musharax oo ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo siyaasiyiin kale ayaa loo diiwaan-geliyay inay u tartamaan xilka Madaxweynaha dalka.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo 15-ka bishaan May doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here