Muuse Biixi Oo Magacaabay Guddi Baaraya Komishanka Doorashooyinka Somaliland

0
331

Muuse Biixi Oo Magacaabay Guddi Baaraya Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/G/083-859/052022 uu ku magacaabay Guddi-baaris oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay KDQ/XK/008/2022, kuna Taariikhaysan 25/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Codsi Guddi- baariseed;

Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay GDQ/XK/009/2022 kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Is-beddel lagu sameeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee, ujeeddadeeduna tahay soo gudbin war-bixin baariseed;

Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab – xidhka Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Arkay: Muhiimadda uu Komishanka Doorashooyinka u leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee iyo hir-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;

Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqabad ku noqon karo xil-

gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Komishanka

Doorashooyinka;

Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland;

Waxaan Go’aamiyay;

1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baariseed madaxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

1- Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye

2- Farxaan Maxamed Cali Xubin

3- Siciid Xasan Habbane Xubin

4- Axmed Saleebaan Jaamac Xubin

5- Bashiir Cabdi Xariir Xubin

2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:

– Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee Xubnaha Komsihanka.

– Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.

– Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here