Maxkamada C. Milateriga Somaliland Oo Maanta Xukun Ku Riday Askari Dilay Gabar U Diyaar Garoobeysay Guurkeeda

0
487

Somaliland Oo Maanta Xukun Ku Riday Askari Dilay Gabar U Diyaar Garoobeysay Guurkeeda

Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa Maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Somaliland oo dhawaan dil bareer ah u geystay gabar kamid aheyd shaqaalaha shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Maamulka Somaliland.

Askariga la xukumay oo lagu magacaabo Saalax Bullaale Jaamac ayaa meel ku dhow Xarunta Maxkamaddaha Magaalada Hargeysa, xili habeen ah ku toogtay Najma Cabdullaahi Maykal oo aheyd gabar dhallinyaro ah, kana tirsaneyd Wasaaradda Beeraha.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa dalbatay in xukun dil ah lagu rido Saalax Bullaale, maadaama uu si bareer ah rasaas ugu furay Marxuumad Najma Cabdullaahi oo la sheegay inay u diyaar garooweysay, kahor dilkeeda Aroos/guurkeeda oo ay geli laheyd.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal dil ah, in kastoo dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay ku yaryihiin Magaaladaas, waxaana Maxkamadda Somaliland xukuno ku ridaya Askar dilal geysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here