Guddiga Doorashada Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Weli Wada Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta

0
483

Guddiga Doorashada Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Weli Wada Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa Maantii labaad diiwaan-gelinaya Musharaxiin dooneysay inay u tartamaan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii shalay Guddiga uu bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta.

Guddiga isku dhafka ee doorashada Madaxweynaha ayaa shalay diiwaan-geliyay toban Musharax oo u tartameysa xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka, kuwaasi oo la siiyay shahaadada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha dalka.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka iyo siyaasiyiin kale oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa is diiwaan-geliyay, isla markaana soo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharaxa.

Guddiga ayaa sidoo kale Maanta oo Isniin ah sii wadani doona diiwaan-gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku egtahay maalinta berri, iyadoona la filayo inay shahaadada Musharaxnimo qaataan Musharaxiin kale oo badan.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay shaaca ka qaaday inuu mar kale yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa isna lagu wadaa inuu is diiwaan-geliyo, si loo siiyo shahaadada.

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay inay 15-ka bishaan May 2022 ka dhacdo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana Caasimadda ka socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here