Maxaad ka taqaanaa madaxweynaha ilaa iyo hadda macalinka ah?

0
428

Maxaad ka taqaanaa madaxweynaha ilaa iyo hadda macalinka ah?

Maalin walba oo Sabti ah ayuu macalinkaan ardaydiisa baraa xisaabta kuwaas oo dhigta heerka labaad ee Jaamacadda.Qofkaasi waa madaxweynaha Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Faustin Archange Touadéra,wuxuu tagaa Jaamacadda Bangui,wuxuuna ardayda siiyaa cashirro la xiriira xisaabta. Ardayada ayaana u arka la kulanka madaxweynaha macalinka ah mid mudnaan gaar ah leh iyo inuu yahay nin shaqadiisa gudanaya.

“Madaxweynuhu marka uu fasalka soo galo, waxaan naftayda u sheegaa inuu macalin yahay. Waxaan u arkaa si sahlan macalin ” ayay tiri Laeila Songuiyo, oo ka mid ah ardayda Mr. Touadéra.Ninka xilka ugu sareeya haya waddanka Afrikada Dhexe ayaa saacadaha nasashada ee maalinta Sabtida u isticmaala inuu wax ka dhigo Jaamacadda Bangui.

“Anigu waxaan ahay macalin, marka waxaan aad u xiiseynayaa tababarka madaxda Afrikada dhexe, waxaanan sii wadaa inaan wax baro si ay uga faa’iideystaan dhalinyaradan,” ayuu yiri madaxweyne Touadéra.”Waxaan wax barayay ilaa 1987. Waxaa jeclahay, xisaabta,” ayuu yiri mar kale madaxweynahaan oo dib loo doortay xilli labaad December sanadkii 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here