Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Maanta Bilaabatay

0
384

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Maanta Bilaabatay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta si rasmi ah u qaatay shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa Sheekh Shariif guddoonsiiyay shahaadada, isla markaana diiwaan-geliyay, kadib markii uu soo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta ee xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka.

Sheekh Shariif ayaa u mahadceliyay Guddiga doorashooyinka isku dhafka ee labada Aqal ee Baarlamaanka, wuxuuna ku boggaadiyay dardar-gelinta howsha socota ee doorashada Madaxweynaha dalka.

“Waxaan maanta isku diiwaan galiyay si rasmi ah musharraxnimada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 15 May, 2022 waa maalin taariikhi ah, Baarlaamanka Soomaaliya waxa ay go’aan ka gaarayaan masiirka ummadda, waxaana rajeynaynaa in ay u hiiliyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed kana samata-bixiyaan marxaladdan adag” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed oo ka hadlaayay shahaadada uu qaatay.

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha 10-aad ee dowladda ayaa Maanta si rasmi ah uga bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ay ku egtahay 10-ka bishaan May, iyadoona la filayo inay is diiwaan-geliyaan Musharaxiin farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here