Ruushka oo markale saacado kooban u qabtay in ay isku soo dhiibaan Ciidan uu ku go’doomiyay Mariupol.

0
420

Ruushka oo markale saacado kooban u qabtay in ay isku soo dhiibaan Ciidan uu ku go’doomiyay Mariupol.

Ruushka ayaa markale fursad siiyay Ciidamada Ukraine ee ku fara adeegaya Warshad ku taalla Magaalada Mariupol oo go’doon u gashay Ciidanka Moscow ee duullaanka ku qaaday waddanka xad wadaagga ay yihiin.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa soo bandhigtay digniin ay ku sheegtay in ay tahay mid kama dambeys ah oo ay fursad ku siineyso Ciidamada Ukraine iyo koox ay ku sheegtay in ay yihiin calooshood u shaqeystaal ku go’doonsan Mariupol.

Gelinta hore oo maanta oo Arbaco ah 20-ka April 2022 ayay Wasaaradda u qabatay in ay isku soo dhiibaan Ciidamada kasoo horjeeda ee Ukraine, haddii ay ka dhega xirtaan go’aankaan waxa ay ku hanjabtay Wasaaradda Difaaca Ruushka in ay qaadi doonto tallaabo culus.

“Ciidanka qalabka sida ee Ruushka, oo ku socda kaliya mabaadi’da bini’aadantinimada, waxay mar kale soo jeedinayaan in dagaalyahannada guutooyinka qaranka Ukraine iyo calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ay joojiyaan hawlahooda millatari laga bilaabo saacadda marka ay tahay 14:00 (2:00pm) waqtiga Moscow 20-ka Abriil ayna dhigaan hubka” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.

Ruushka ayaa todobaadkaan fursad siiyay Ciidamada ka dagaalamaya Magaalada Muriupol gaar ahaan Warshad ku taalla Magaaladaas, Kyiv ayaa sheegtay in ciidamadaas aanay marnaba is dhiibi doonin iyada oo ku hanjabtay in ay sii kordhinayaan iska caabinta ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here