Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Dagaalka Ukraine Iyo Ruushka

0
558

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Dagaalka Ukraine Iyo Ruushka

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareen oo ay dad rayid ah ka buuxeen oo ku taalla magaalada Kramatorsk uu dilay ugu yaraan 50 qof, ayna dhaawacmeen ku dhawaad 400 oo qof.

Guddoomiyaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa tareen ku tagay Kyiv si ay ula kulmaan madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Kulankaan ayaa lagu falanqeeyay sidii loo sii kordhin lahaa cunaqabateynta ka dhanka ah dowladda Ruushka.

Slovakia ayaa sheegtay in ay siisay nidaamka difaaca cirka ee S-300 Ukraine si ay uga caawiso in ay iska difaacdo weerarada Ruushka.

“Washington waxay dhigi doontaa nidaamka gantaalaha Patriot ee Slovakia si loo xaqiijiyo “amniga joogtada ah” ee dalka, ayuu yidhi madaxweyne Joe Biden.

Maraykanka ayaa aaminsan in Ruushku uu u adeegsaday gantaal nooca riddada gaaban ah inuu ku garaacay saldhigga tareenada ee Kramatorsk ee bariga Ukraine, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka.

Mas’uulkan oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Pentagon-ka uu rumeysan yahay in ciidamada Ruushka ay adeegsadeen gantaal SS-21 Scarab ah, balse ma cadda sababta keentay weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here