Sacuudiga oo 1 Milyan oo Xujey ah u fasaxay in ay xajiyaan 1443 Hirjiya.

0
567

Sacuudiga oo 1 Milyan oo Xujey ah u fasaxay in ay xajiyaan 1443 Hirjiya.

Wasaaradda Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay fasaxday 1 Milyan oo xujey ah in ay sanadkaan 1443 Hijiriya gutaan waajibaadka Xajka iyada oo soosaartay shuruudaha laga rabo Xaajiga.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qaaday xayiraadda labadii sano lasoo dhaafay saarneed xujeyda maadaama hoos u dhac uu ku yimid faafitaanka Covid-19 guud ahaan caalamkana la qaaday xayiraadaha dhanka safarka.

“1 Milyan oo ruux oo gudaha iyo dibadda ka kala socda ayaa xajinaya sanadkaan waana in ay u hoggaansamaan shuruudaha laga doonayo Xaajiga in uu fuliyo” Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Shuruudaha xaajiga laga doonayo waxaa kamid ah: In uu qaatay/qaadatay tallaalka Covid-19, in uu heysto/heysato warqadda caddeynta baarista cudurkaan kahor 72 saac in uusan/aysan u safrin Boqortooyada Sacuudiga & in da’ ahaan ka yar yahay xaajiga 65 sano.

2020 oo uu soo ifbaxay Covid-19 waxaa Xajka loo ogolaaday 1,000 (Kun ruux) oo gudaha kasoo xajiyay kuwaas oo u badan mas’uuliyiin iyo shaqaalaha Dowladda, sanadkii xigay ee 2021 waxaa xajka loo ogolaaday 60,000 (Lexdan kun oo ruux) oo gudaha Sacuudiga ku sugan.

Weli tirada xujeyda ma gaarsiisno tiradii loogu talagalay maadaama 2019kii ay xajiyeen 2.5 Milyan uu xujaaj ah oo gudaha iyo dibadda uga safray in ay gutaan mid kamid ah 5ta tiir ee Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here