Imisa ayay dhan tahay lacagta uu hayo Guddiga Taakulada Suuqa Hargeysa?

0
475

Imisa ayay dhan tahay lacagta uu hayo Guddiga Taakulada Suuqa Hargeysa?

Guddiga Dhaqaale u uruurinta Dadkii ku hanti beelay Dabkii gubay Suuqa Hargeysa 1dii April 2022 ayaa soo bandhigay lacagaha kusoo dhacay Koontadooda oo ay bixiyeen Ganacsatada kunool deegaannada Somaliland.

Lacagta uu Guddiga qabtay waxaa koontada ku shubay Ganacsatada, Axmed Aadan Buuxane oo xubin ka ah Guddigaas ayaa sheegay in aanay gacantooda soo gelin lacagtii ay fasaxday DFS, Taakulada dibadda iyo deeqaha waddamada balse lagu shubay Koonto somaliland uu sameeyay.

Buuxane ayaa intaas ku daray in uu heysto ballanqaad ay sameeyeen Ganacsatada Muqdisho oo horay ugu deeqday $2 Milyan oo Doollar balse ay ku wargeliyeen Guddigooda in ay kordhinayaan lacagtaas sida uu hadalka u dhigay.

Goobaha lacagaha ay ka sugayaan ayuu ku sheegay Muqdisho, DG Puntland, Dowlad-Deegaanka Soomaalida iyo meel weliba oo deegaan u ah Dadka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay gacan-qabtaan Dadkii hantida ku waayay Dabkii Hargeysa.

“Saddex qayb oo aan u diyaarinay dhaqaale uruurinta waxa aan qaybta 1aad ku qabanay $8 Milyan oo Doollar, qaybaha dhiman waa Haweenka, Dhalinyarada, Shaqaalaha Dowladda & Kuwa Rayidka ah si aan qudhooda uga qaadno taakulada, Guddiga Muqdisho ay sameysteen oo horay u ballanqaaday $2 Milyan oo dollar ayaa inoo sheegay in ay dib isugu laabanayaan mana garaneyno waxa ay ku dari doonaan” Sidaasi waxaa yiri Axmed Aadan Buuxane oo xubin ka ah Guddiga Taakulada Suuqa Waaheen.

Waxa uu sheegay in Akoonada uu Guddiga leeyahay uu ka duwan yahay kan Somaliland ay sameysay, dhaqaale uruurintooda ayuu tilmaamay in ay ku siman tahay Soomaalida gudaheeda halka kan SOMALILAND uu sameeyay kusoo dhaceyso kaalmada caalamiga ah.

“Koontooyinka aan sameynay & kan Dowladda waxa aan ku kala duwanahay, iyaga waxa ay qaabilayaan Dowladaha & Ururrada, halka aan u xilsaaranahay Ganacsatada & dhammaan Isirka Soomaaliyeed meel weliba uu joogo, culeys wuu iska jiraa oo ah shaki si loo kala bogsado waxa aan sameynay website aan ugu talagalnay in lagala socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha gacanta guddiga soo gala” ayuu yiri Axmed Aadan Buuxane oo xubin ka ah Guddiga Taakulada Suuqa Waaheen.

Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa waxaa ku gubatay Hanti Balaayiin Doollar ah, waxaa dhaqaale uruurin ku howlan guddiyo gudaha iyo dibadda ku sugan si loo helo lacago lagu ceymiyo Dadkii ku hanti beelay Suuqaas gubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here