Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wafdi Ka Socday Dowladda Jabuuti

0
364

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wafdi Ka Socday Dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Nuur Xasan.

Ujeedka safarka weftigani ayaa ahaa farriin ay ka sideen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ahayd tacsi iyo tiiraanyo uu u soo diray shacabka ee masiibada dabku ku habsatay iyo in ka dawlad Jabuuti ahaan ay diyaar ula yihiin wixii karaankooda ah ee ay gacan kaga geysan karaan taakulada masiibada dabkii baabiiyey suuqii weynaa ee Waaheen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa waxa uu soo dhaweeyey weftiga waxaanu uga mahadceliyey dawladda Jabuuti iyo shacbigeeda gurmadka iyo tacsida ay la garab istaageen shacb weynaha Somaliland, waxaanu si gaara ugu mahadnaqay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee saacadihii ugu horreeyey ee dabku socday la soo xiriiray.

Weftiga ka socday waddanka Jabuuti, ayaa kala ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Xasan Nuux, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Yuusuf Dawaaleh, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jabuuti, Col. Maxamed Jaamac Ducaale, Taliyaha Ciidanka Cirka Col. Wahib Muuse Maxamuud, Agaasimaha guud ee Hay’adda Gaadiidka iyo Jidadka, Suubane Siciid Ismaaciil, Guddomiyaha Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka Dabiiciga Ah, Axmed Maxamed Madar, Commandant Maxamuud Xuseen Cumar, Commandant Xasan Ducaale Warsame iyo Xildhibaan ka socda Baarlamaanka Jabuuti Cumar Naala Tuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here