Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amray In Somaliland Loo Fasaxo Lacag Ku Dhow 12 Milyan

0
518

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amray In Somaliland Loo Fasaxo Lacag Ku Dhow 12 Milyan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaan uu fasaxay Rooble ay tahay deeq caalami ah loogula talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.

Lacagtaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tilmaamay in lagu xoojinayo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa, oo geystay khasaaro hantiyadeed oo gaareysa 2 Bilyan oo dollar.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan la yeeshay Ganaacsatada Soomaaliyeed oo looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa ee Caasimadda Somalilan.

Kulanka ayaa waxaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar, taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso Xukuumadda Soomaaliya, halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here