Roobka Gu’a Oo Ka Curtay Deegaano Badan Oo Kamid Ah Gobolada Dalka.

0
562

Roobka Gu’a Oo Ka Curtay Deegaano Badan Oo Kamid Ah Gobolada Dalka.

Roobab mahiigaan ah oo xilliga guga ayaa ka curtay deegaano badan oo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen abaaro baahsan oo dhaliyay dhimasho iyo barakac ku yimid dadka iyo xoolaha.

Roobabkaan ayaa shalay iyo xalay ka da’ay deegaanno ka mid ah Gobolada Mudug, Gaalgaduud iyo Bakool, waxaana ku diirsaday dadka iyo xoolaha, xili abaar darran ay dadka wajahayeen bilihii dambe.

Waddooyinka iyo meelaha biyo ay fariistaan ayaa waxaa ku hoortay xareeda Roobka, isla markaana waxaa dadka xoola dhaqata ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay hore abaar darteed uga barakaceen.

Deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa bilihii lasoo saaray ka jiray abaaro baahsan oo saameyn ballaaran ku yeeshay kummanaan qoys, iyadoona dadka qaarkood ay u dhinteen harraad iyo Caajo, sidoo kalena ay le’deen xoolo farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here