Meydka Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi Oo Laga Soo Dejiyay Garoonka Muqdisho

0
519

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow laga soo dejiyay  Meydka Marxuumad Xil. Aamina Maxamed Cabdi oo xalay qarax Is-miidaamin ah lagula beegsaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Meydka Aamina Maxamed ayaa diyaarad qaas ah looga soo qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ee  Baladweyne, waxaana kasoo dejiyay Garoonka Aadan Cadde Meydka Aamina iyo qof kale oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday.

Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin iyo Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb galay salaada Janaasada Marxuumad Aamina Maxamed.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, xili ay socod ku mareysay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kalena goobta ku dhintay Askar ilaalo u aheyd Aamina.

Allaha u naxariistee Aamina Maxamed Cabdi ayaa markii hore Baladweyne u tegtay tartanka doorashada kursiga ay ku fadhiday oo mar kale ay dooneysay kursigaas, iyadoo maalmihii dambe ay waday olole doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here