Madaxweynaha Hirshabeelle oo hey’adaha amniga faray inay baaritaan dhab ku sameeyaan qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

0
298

Madaxweynaha Hirshabeelle oo hey’adaha amniga faray inay baaritaan dhab ku sameeyaan qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aad u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xilibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada ah ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto” ayaa lagu yiri war qoraal ah ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii xalay, waxaana alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.

ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan falkii xalay ka dacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here